Wasiiradda wasaaradda deegaanka ee dalka Soipan Tuya ayaa shaacisay qorsho inta u dhexeysa bisha Sagalaad ee sanadkan ilaa iyo bisha Labaad ee sanadka soo socdo lagu dardargelin doono geedaha la abuuraya si sare loogu qaado baaxadda keymaha wadanka.
Waxay sheegtay in xilligaasi laga faa’idaysan doono roobab la rajeynaya inay wadanka ka da’aan.
Tuya ayaa hoosta ka xarriiqday in wasaaradda deegaanka ay dejisay qorsho ballaaran oo mudadaasi 6-da bilood ah lagu abuuri doono geedo dheeraad ah.
Dowladda dhexe ayaa horay u shaacisay inay doonaysa in muddo 10 sano gudaheeda ah ay ku beerto 15 bilyan oo geed.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada looga gaashaamanaya saameynta isbeddelka cimillada ku yimaada.
Hasa ahaate Soipan Tuya ayaa laga soo xigtay inuu jiro hoos u dhac la xiriira qorshaha dowladda kaasoo salka ku haya gaabad dhanka miraha ah.
Waxay carrabka ku adkeysay in la doonayay in laga soo billaabo bishii 12-aad ee sanadkii hore ilaa iyo maanta in la abuuro ku dhawaad 750 milyan oo geed balse ayna taasi suurtagelin.
Wasiiradda ayaa mar kale kenyaanka ku boorrisay in fursad kasta oo ay helaan ay geed abuuraan sida xilliyada aroosyada.
Waxay sheegtay si loo beero 15 bilyan oo geed in loo baahan yahay in qof waliba oo kenyaan ah uu sanadkiiba abuuro 30 geed.