Madaxweynaha oo cafis u fidiyay dad gaystay dembiyo fudud

0
333

Waxaa cafis madaxweyne loo fidiyay 2,944 qof oo gaystay dembiyo fudud ka dib talasiin uu helay madaxweynaha dalka William Ruto.
Shakhsiyaadkan ayaa horay loogu xukumay muddo 6 bilood oo xabsi ah iyo wax ka hooseeya.
Ruto ayaa sidoo kale cafiyay 37 qof oo dheeraad ah oo uu ka mid yahay agaasimihii hore ee machadka cilmi baarista caafimaadka ee (KEMRI) Davy Koech.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xukunka dilka ee dadka gaystay dembiyada waawayn ku beddelay xabsi daa’in.
Tani ayaa timid ka dib markii ay sidatan soo jeediyeen guddi uu hoggaamiyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi.