Hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki oo damaanad lacageed lagu siidaayay

0
248

Hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki, Maina Njenga ayaa lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 100,000 oo shilin.
Njenga ayaa shalay la soo taagay maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi, shan maalmood ka dib markii la xiray.
Waxaa sidoo kale maxkamadda ka soo hormuuqday walaalkii Njoroge Njenga iyo gacan yarihiisa khaaska ah, Felix Ratu Lakishe.
Njenga ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu haysto hub sharci ah oo fal dambiyeed lagu gaysan karo.
Hubka la sheegay inuu haysto waxaa ka mid ah baangado, seef, iyo masaar.
Dacwad oogayaasha matalayay dowladda ayaa sheegay in hubkan laga soo dhex helay guriga hoggaamiyihii hore ee Mungiki.
Maina Njenga ayaa xalay xabsiga ku baryay ka hor inta aanan maanta damiin lagu siideyn.
19-kii bishan ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay xireen Maina Njenga ka dib howlgal ay ka fuliyeen hooygiisa oo ku yaalla magaalada Kiserian ee ismaamulka Kajiado.