Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ayaa sheegay in dowladda dhexe ay sameyn doonto wax kasta oo suuragal ah si aan looga dib dhicin bixinta lacagaha loogu talagalay qaybaha nugul ee bulshada ee ay waayellada ka midka yihiin.
Isbeddelkan ayuu sheegay inuu billaaban doono bishan Toddobaad oo xita lacagahan laga horumarinaya bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waayeellada iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah aynan hadda ka dib bilooyin sugi doonin lacagaha ay dowladdu ugu talagashay in looga fududeeyo culeysyada nololeed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ay bixisay 8.3 bilyan oo shilin oo lacagtan ka mid ah oo ah miisaaniyadii ay dadka isku diiwaangeliyay barnaamijka Inua Jamii qaadan lahaayeen laga soo billaabo bishii Saddexaad ilaa bishii Lixaad ee sanadkan.