DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku sugan Taita Taveta

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta gaaray ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta.
Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinaya madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi , hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna mudanaha deegaanka Kikuyu ,Kimani Ichung’wah iyo siyaasiyiin kale.
Munaasabadda uu madaxweyne Ruto ka qayb galaya ayaa ka socoto fagaaraha Mwatunge grounds ee magaalada Mwatate ee ismaamulka Taita Taveta.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo ka hadlay arrimaha waxbarashada ayaa sheegay in sanadkan barnaamijka cunnada ee ardayda loo qoondeeyay 5 bilyan oo shilin si carruur badan ay dugsiyada ugu biiraan.

Barasaabka ismaamulkaasi,Andrew Mwadime oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa ku taliyay in dakhliga qaran lagu qaybsado baaxadda dhulka ee dowlad deegaan kasta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii nidaamka dowlad wadaajinta la hirgeliyay sanadkii 2013-kii inay jiraan waxyaabo badan oo horumar ah oo lagu tallaabsaday balse sidoo kale aan arrimaha qaar lagu guulaysan.
Mwadime ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in lacagta ay dowladda dhexe siinaysa ismaamul kasta lagu saleeyo inta kiilomitir ee uu dhul ahaan ka kooban yahay.

Hoggaamiyaha dalka ayaa shalay ku sugnaa ismaamullada Kisii iyo Vihiga isagoo kulan la qaatay madaxda ka hor inta uunan dadweynaha la hadlin.