Waxaa maanta degganaansho laga dareemaya gudaha wadanka marka loo barbardhigo shalay.
Dhanka kale saraakiisha booliiska ayaa lagu soo warramayaa inay maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaal isugu soo baxay xaafadaha Kibera iyo Mathare ee ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale booliiska Kisumu ayaa waddooyinka furay ka dib markii xalay dhagaxaan lagu gooyay.
Mucaaradka dalka ee Azimio ayaa horay u shaaciyay inuu Arbacada ilaa Jimcada dhigaya dibadbaxyo ka dhan ah dowladda dhexe.




