Waxaa maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayn doonaa Gilbert Mutuye Mungu oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Rwanda oo kaxeynayay baabuurkii xamuulka ee bishii hore shilka ku galay isgoyska Londiani ee ismaamulka Kericho.
Waxaa shilkaasi ku nafwaayay 52 qof.
Mutuye ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamadda deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru waxaana loo diiday damaanad uu codsanayay.
Eedeysanaha ayaa ku soo jiri doono saldhigga booliiska ee Nakuru ilaa iyo inta kiiska uu wajahaya ay maxkamadda ka dhageysanaysa oo go’aan kama dambeys ah laga soo saaraya.
Dacwadda ka dhanka ah Mutuye ayay maxkamaddu dhageysan doontaa 30-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.




