Wakiilka arrimaha ganacsiga ee Maraykanka oo xaqiijisay inaynan la kulmin Moses Kuria

0
309

Wakiilka dowladda Maraykanka ee arrimaha ganacsiga , Katherine Tai oo safar ku joogto wadanka ayaa xaqiijisay in aynan kulan la qaadan wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee Kenya , Moses Kuria.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay dalka u timid xoojinta iskaashiga ganacsi.
Xilli ay ka jawaabaysay su’aal la waydiiyay ayay sheegtay in iyada iyo Mr. Kuria aynan is arkin oo sababta la waydiinaya dowladda Kenya.
Shalay ayay ahayd markii warbaahinta maxalliga ay tabisay in labadan mas’uul aynan kulmin maadaama uu wasiirka ganacsiga ee dalka horay u adeegsaday qoraallo iyo hadallo aan habdhaqan ahaan wanaagsanayn.