Hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki oo xalay la xiray

0
348

Ciidamada ammaanka ayaa xalay fiidkii xiray hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki, Maina Njenga ka dib howlgal ay ka fuliyeen hooygiisa.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in Njenga, walaalkiisa Njoroge Njenga iyo gacan yarihiisa khaaska ah, Ole Lekishe laga qabtay magaalada Kiserian ee ismaamulka Kajiado ka dibna loo qaaday meel aan ilaa iyo hadda la shaacin.
Xubno ka tirsan qoyska Njenga ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka la fuliyay abaare 8:30 fiidnimo ee xalay.
Waxaa sidoo kale xariga Maina Njenga xaqiijiyay qareenkiisa oo lagu magacaabo ,Ndegwa Njiru oo sheegay inuunan ogeyn halka lagu haayo.
Labo bilood ka hor ayay ahayd markii Maina Njenga lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay fal dambiyeed isagoo looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee DCI-da ee magaalada Nairobi halkaasi oo su’aallo lagu waydiiyay ka dib farriin uu ka qoray laanta dambi baarista ee Nakuru.