Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka Dr.Alfred Mutua ayaa lagu wadaa inuu maanta qabto shir jaraaid oo uu uga hadlaya saameynta dibadbaxyada ka socdo gudaha wadanka ay ku leeyihiin xiriirka dibadda ee Kenya.
Waxaa uu sheegay inay qasab tahay in laga run sheego xaaladda dhabta ah ee taagan.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii shalay ugu yaraan 13 safaaradood oo xarumo ku leh Kenya ay walaac ka muujiyeen dibadbaxyada iyagoo ku baaqay in madaxda siyaasadeed ay heshiiyaan.




