Dugsiyada ay ardayda ka hooydaan oo si ku meel gaar ah loo xiray

0
248

Waxaa maanta xiran dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee ay ardayga guriyahooda uga hooydaan ee ku yaalla ismaamullada Nairobi , Mombasa iyo Kisumu.
Dowladda dhexe ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heshay xog sirdoon oo tilmaamaysa in dibadbaxayaasha ay doonayaan inay rabshado ka dhigaan meelaha u dhow xarumaha waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki iyo dhigiisa waxbarashada Ezekiel Machogu ayaa soo saaray amarka si ku meel gaar ah albaabada la isugu dhuftay goobahan waxbarasho.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dibadbaxyadii ka dhacay ismaamulka Nairobi ay waxyeello ka soo gaartay arday ay saameysay sunta dadka ka ilmeysiisa oo ay adeegsanayeen booliiska.
Dowladda ayaa hoosta ka xarriiqday in xarumaha waxbarashada ay xirnaanayaan iyadoo dhanka kale qiimeyn lagu sameynaya xaaladda amniga ee dalka ka hor inta aan la shaacin tallaabada xigta.