Marwada madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka shaqeynaysa Barnaamijka dhaqan celiska

0
176

Marwada madaxweyne ku xigeenka dalka ,Dorcas Rigathi ayaa ku howlan in tuulooyinka wadanka ay ka hirgeliso barnaamijyo dhaqan celin ah iyo xarumo caafimaad oo lagu daryeelaya dadka qabatimay balwadda.
Waxay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in arrinkan lagu bixiyo dadaal ballaaran oo loo dhan yahay.
In ka badan 120 dhallinyaro ah ayaa hadda dhaqan celin loogu sameynaya degmada Timau ee ismaamulka Meru iyo qaybaha kale ee dalka sida ay sheegtay marwada madaxweyne ku xigeenka dalka.