Kenyaanka ku nool qurbaha ayaa bishii hore ee June ee sanadkan ehelladooda u soo diray lacag dhan 48.8 bilyan oo shilin una dhiganta 345.8 milyan oo doolar.
Tani ayaa ah hoos u dhac dhan boqolkiiba 1.6 marka loo barbardhigo bishii ka sii horreysay ee May oo qiimaha lacagaha laga soo xawilay dibadda dalka lagu sheegay 49.6 bilyan oo shilin.
Xogtan ayaa laga soo xigtay bangiga dhexe ee dalka ee CBK.
In kastoo bishaasi uu jiray hoos u dhac, haddana macluumaadka CBK ayaa muujinaya in bishii hore qiimahan uu kordhay boqolkiiba 6.1 marka loo barbardhigo bishii 6-aad ee sanadkii hore oo uu ahaa 46 bilyan oo shilin.
Lacagaha ugu badan ayaa laga soo diraa Maraykanka waxayna bishii hore u dhignaayeen boqolkiiba 54.
Waxaa soo raaca Yurub oo laga soo diray ilaa 9.3 bilyan oo shilin, halka Ingiriiska, Jarmalka iyo Switzerland laga soo kala xawilay 34.2 milyan oo doolar , $12.1 milyan oo doolar iyo $5.8 milyan oo doolar.
Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa dhanka Kenya looga soo diray $30.9 milyan oo doolar waxaana soo raaca waddamada Qatar iyo Imaaraadka oo laga soo kala xawilay $4.6 milyan oo doolar iyo $3.9 milyan.
Kenyaanka ku nool waddamada kale ee qaaradda Afrika ayaa bishii hore dalka dib ugu soo celiyay 3.6 bilyan oo shilin waxaana ugu horreysa Tanzania oo ah 730.2 milyan oo shilin waxaana soo raacda Uganda .




