Guddiga xiriiriya xisbiyada wadanka ayaa ku baaqay wada xaajood qaran oo lagu soo afjaraya ismari waaga siyaasadeed ee dalka ka jiro.
Guddiga ayaa sheegay in dowladda iyo mucaaradka oo mid waliba uu ku adkeysto mowqifkiisa ay wadanka burbur u horseedi karto.
Guddoomiyaha qaran ee guddigan, Evans Misati ayaa ciidamada booliiska ku boorriyay inay aad isku xakameeyaan marka ay la tacaalayaan dibadbaxayaasha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo garabka mucaaradka ee dalka ee Azimio uu ku adkeysanaya in dibadbaxyada ay sii socon doonaan iyadoo mas’uuliyiinta ugu sarreeya wadanka ay sheegayaan in aan marnaba dhacdooyinkan la oggolaan doonin.




