Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila oo dhallinyarada ugu baaqay inay taageeraan BBI

Raila oo dhallinyarada ugu baaqay inay taageeraan BBI

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dhallinyarada kenyaanka ah ku boorriyay inay si buuxda u taageraan qorshaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu xusay in nidaamkan oo la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka wadanka ay dani ugu jirto da’yarta.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in waxyaabaha ay dhallinyarada ka faa’iidaysanayana dhaqangelinta BBI ay tahay inay ganacsiga fursado u helaan.
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay siyaasadda madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo uu xusay in aan la dhaqangelin qaar ka mid ah ballanqaayadii xilligii doorashadii 2017-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments