Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee (KNUT) ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in macallimiinta wadanka ay qorsheynayaan inay ku dhaqaqaan shaqo joojin qaran si mushaaraadka loogu kordhiyo.
Xoghayaha Guud ee KNUT,Collins Oyuu ayaa sheegay inay ku dadaalayaan in dib u eegis lagu sameeyo gorgortan la xiriiray mushaar kordhin kaasoo lagu heshiiyay inuu shaqeeyo laga soo billaabo 2021 ilaa 2025-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuunan soo saarin wargelin ku aaddan shaqo joojin balse uu guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ku wargeliyay inuu soo qaban qaabiyo kulan uu la yeelanaya mas’uuliyiinta ururka KNUT si heshiiskii hore la isula eego.
Mr.Oyuu ayaa intaasi ku daray ka dib markii guddiga TSC ay u qabteen muddo 14 cishe ah inay falcelin wanaagsan ka heleen.
Xoghayaha ayaa sheegay in guddiga TSC uu u soo jawaabay ururka KNUT isagoo sheegaya inuu sameynaya wax kasta oo suuragal ah si kulanka uu u qabsoomo.




