Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Suudaan

0
230

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaallamaya wadanka Suudaan looga baahan yahay inay si degdeg ah u dhaqan geliyaan xabbad joojin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la doonayo in la isu geeyo dadaallada nabadeed ee urur goboleedka IGAD iyo kuwa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo dardargeliyo xabbad joojin waarta gudaha Suudaan.
Waxaa uu sheegay in Midowga Afrika uu si xirfadeysan ugu dadaali doono sidii dadka ku barakacay isku dhacyada Suudaan ee u dhexeya ciidamada militariga iyo saraakiisha gurmadka degdegga ee RSF loo gaarsiin lahaa gargaar baniaadannimo, in qaxootiga la badbaadiyo sidoo kalena dib loo soo nooleeyo geeddisocodkii siyaasadeed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in tani ay aasaas u tahay in Suudaan lagu soo dabbaalo nabad waarta.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu khadka taleefoonka kula xiriiray guddoomiyaha golaha madaxa bannaan ee ku meel gaarka ah ee Suudaan, Generaal Cabdel Fataax Cabdelraxman al-Burhan.
Ruto oo sidoo kale ah guddoomiyaha afar waddan oo ay IGAD u xil saartay xallinta colaadaha Suudaan ayaa la hadlay madaxweynaha dalka Chad General Mahamet Idriss Deby Itno.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay dardargelinta dib u soo celinta nidaamkii caadiga ahaa ee dalka Suudaan iyo taageeridda waddamada martigelinaya qaxootiga.