Oburu Odinga oo dowladda uga digay inay walaalkiisa dhibaateyso

0
416

Senatarka ismaamulka Siaya ,Oburu Odinga iyo siyaasiyiinta xisbiga ODM ayaa dowladda dhexe uga digay inaynan isku dayin in la xiro ama la dhibaateeyo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga.
Oburu ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo qorshahan damacsan looga baahan yahay inay dhinac iskaga dhigto.
Waxaa uu intaasi ku daray in Raila Odinga uunan dhibaato shakhsiyeed ku qabin dowladda balse uu keliya soo bandhigaya waxyaabaha ay ka gaabisay.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka , Opiyo Wandayi ayaa dhankiisa sheegay inaynan arrin fudud ahayn in la xiro Raila Odinga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA , Cleophas Malala uu shaaciyay in Mr. Odinga uunan sharciga ka sarreyn oo haddii uunan joojin dibadbaxyada rabshadeysan xabsiga loo taxaabi doono.