Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof la waayay ka dib markii doon sidday qaad oo ay saddex ruux saarnaayeen ay ku degtay xeebta ismaamulka Lamu.
Dadkan ayaa ka yimid degmada Mokowe jetty ee Galbeedka Lamu waxayna ku wajahnaayeen magaalada Kiunga ka hor inta uunan shilka dhicin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkan ay qaylo dhaan u direen sarkaal ka mid ah ciidamada waaxda ilaalinta duurjoogta ee KWS oo lagu magacaabo Willy Osoro.
Waxaa uu isla markiiba howlgeliyay koox samatabixin ah oo goobta tagay iyadoo halkaasi lagu soo badbaadiyay labo ka mid ah shaqaalaha doonta.
Hasa ahaate qofkii doonta hagayay oo lagu magacaabo Musa Mikdad Bonge ayaa weli la ‘yahay.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta oo ay ka qayb qaadanayaan waaxyo kala duwan.




