7 qof oo ku dhintay Kuuriyada Koonfureed oo ay daadad saameeyeen

0
190

Kooxaha samatabixinta ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saaray meydadka 7 qof oo uu siday bas ku xannibmay marin dhulka hoostiisa mara oo uu daad saameeyay.
11 qof oo dheeraad ah ayaa weli la la’yahay.
Tani ayaa timid ka dib roobab culus oo halkaasi ka da’ay oo ay ka dhasheen fatahaado iyo dhul go’.
Meydadka ayaa laga helay magaalada Osong sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee Yonhap.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in marinkaasi oo ilaa afar qaybood ah ay ku xanniban yihiin 15 baabuur ah.