Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Mr. Kimani Ichung’wa ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja One Kenya ,Raila Odinga ku eedeyay inuu wado qas siyaasadeed si uu madaxweynaha dalka ugu qasbo inuu la heshiiyo.
Ichungwa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mr. Odinga uu doonaya inuu maamulka dowladeed si dadban ugu biiro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda iyo mustaqbalka labaduba aynan furnayn waddo lagula heshiin karo madaxa mucaaradka ee dalka.
Ichung’wa ayaa dhanka kale taliyaha guud ee booliiska dalka Mr. Japhet Koome ugu baaqay inuu baaritaano ku sameeyo falal dambiyeedyadii dhacay intii ay socdeen dibadbaxyada.




