DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhexeysa Nairobi iyo Nakuru

0
275

Waxaa la xaqiijiyay in labo ruux ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay aagga Muguga ee waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru .
Nin baadari ahaa iyo xaaskiisa ayaa isla goobta ku dhintay ka dib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada oo ay cillad ku timid uu jiiray gaarigii ay saarnaayeen.
Shilka ayaa saameeyay ilaa 20 baabuur.
Dadka dhaawacmay oo gaaraya 52 qof ayaa waxaa ka mid ah labo arday oo dhigta dugsi ku yaalla Nairobi
Taliyaha booliiska ee deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Ronald Kirui ayaa warbaahinta u sheegay inay socdaan baaritaano ku aaddan shilka.
Kirui ayaa wadayaasha baabuurta ugu baaqay inay si taxaddar leh baabuurta u kaxeeyaan oo ay sidoo kale dayactiraan gawaarida.