Barasaabka Nairobi oo isku shaandeyn sameeyay

0
242

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa sameeyay isku shaandheyntii ugu horreysay ee golihiisa wasiirrada.
Isbeddelladan ayaa saameeyay 7 ka mid ah 10-ka xubnood ee golaha wasiirrada ee dowlad deegaanka Nairobi.
Maureen Njeri ayaa laga wareejiyay wasaaradda deegaanka waxaana loo beddelay ganacsiga.
Suzanne Silantoi ayaa hadda hoggaaminaysa wasaaradda caafimaadka , nafaqada iyo hantida.
Patrick Mbogo oo hoggaaminayay gaadiidka iyo howlaha guud ayaa madax looga dhigay maamulka iyo shaqaalaha.
Rosemary Kariuki oo horay u qaabilsanayd arrimaha ganacsiga ayaa hadda loo wareejiyay waaxda xirfadaha iyo hibooyinka.
Ibrahim Auma Nyangoya oo laga soo qaaday dhanka maamulka iyo shaqaalaha ayuu Sakaja u magacaabay wasiirka deegaanka.
Sidoo kale barasaabka ismaamulka Nairobi , Johnson Sakaja ayaa Stephen Gachie u magacaabay la taliyihiisa arrimaha dhaqaalaha halka Bernard Kioko uu noqday la taliyaha guddoomiyaha ee dhanka hal-abuurka dhaqaale.