Barasaabka Makueni oo dalbaday in la baaro dhacdo wiil lagu toogtay

0
276

Guddoomiyaha ismaamulka Makueni ,Mutula Kilonzo Junior ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ka dalbaday inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo toogasho shalay loo gaystay wiil 18 sano jir ah.
Wiilkan oo lagu magacaabo Brian Muendo ayaa lagu dilay dibadbaxyadii ka dhacay magaalada Emali .
Barasaabka ayaa maanta sheegay inuu dhacdadaasi aad uga xumaaday oo uu doonaya in IPOA ay sameyso baaritaano wax ku ool ah si cidii ka dambeysay maxkamadda loo soo taago.