DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in Kenya aynan ka dhici doonin dibadbaxyo rabshadeysan

0
261

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanan marnaba la oggolaan doonin in gudaha wadanka ay ka dhacaan dibadbaxyo rabshadeysan.
Waxaa uu si kulul u cambaareeyay dibadbaxyadii ay shalay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay ka dhigeen qaybo ka mid ah dalka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in cidii qabto tabashooyin siyaasadeed ay u furan yihiin siyaabo ay cabashooyinkeeda ku gudbin karto iyadoo aan la burburin hantida shacabka iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Waxaa uu sidoo kale beeniyay in saraakiisha ammaanka ay shalay ku lug lahaayeen burburkii loo gaystay qayb ka mid ah waddada wayn ee Nairobi ExpressWay.
Kindiki ayaa wacad ku maray in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay si buuxda uga falceliyaan rabshadaha siyaasadeed.

Arrintan ayuu maanta wasiirka ka sheegay waqooyiga ismaamulka Kajiado oo uu si rasmi ah uga furay saldhigyada booliiska ee tuulooyinka Kiserian iyo Olosurutia.