Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweyn doono hoggaamiyaha wadanka Iiraan Ebrahim Raisi.
Madaxweyne Raisi ayaa qaaradda Afrika ku joogaya safar saddex cishe ah isagoo ku sugnaan doono waddamada Kenya, Uganda, iyo Zimbabwe.
Waxaa sidatan laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iiraan ee IRNA.
Safarka mas’uulkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu madaxweyne ka socdo Iiraan Afrika ku yimaado muddo 11 sano ah.
Tani ayaa qayb ka ah xeerka arrimaha dibadda ee Iiraan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan ,Nasser Kanani ayaa safarka Ebrahim Raisi ku tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaya xiriirka dhaqaale ee dowladda dalkaasi kala dhexeya waddamada qaaradda Afrika.
Ka dib marka ay kulmaan ayaa la filayaa in Ruto iyo Raisi ay si wadajir ah warbaahinta ula hadlaan.




