Xildhibaanka Dadaab oo dhaliilay go’aan shalay ka soo baxay maxkamadda sare

0
358

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa, Faarax Macallin oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa dhaliilay go’aankii ay shalay maxkamadda sare ee dalka ku sii adkeysay amarkii ay dowladda dhexe uga hor istaagtay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan .
Waxaa uu mudanaha hoosta ka xarriiqay in go’aankaasi uu ahaa mid la iskaga indha tiray xeerarka jira.
Waxaa uu sheegay in laamaha dowladda sida golaha fulinta , baarlamaanka iyo garsoorka laga doonaya inay si madax bannaan u shaqeeyaan iyagoo aan caqabad isku noqon.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada garsoore Mugure Thande laga dheehan karo in aan si buuxda loo fahmin qaabka ay dimuqraadiyadda u shaqeyso.
Waxaa uu Faarax Macallin tusaale u soo qaatay Maraykanka oo uu sheegay in waaxda garsoorka ee wadankaasi aynan carqaladeyn howlaha galayaasha xeer dejinta.