Guddiga xalliya murannada siyaasadeed oo Kanini Kega u aqoonsaday Xoghayaha Jubilee

0
216

Guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ee (PPDT) ayaa ayiday go’aankii Kanini Kega oo ah xildhibaan ka tirsan golaha xeer dejinta bariga Afrika ee (EALA) loogu magacaabay Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee.
19-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii koox ka tirsan Jubilee oo uu hoggaaminaya Kega ay xisbiga ka saareen Xoghayihii Guud Jeremiah Kioni iyo guddoomiye ku xigeenkii xisbiga David Murathe .
Jeremiah Kioni ayaa weli ku adkeysanaya inuu isaga hoggaamiyo xisbiga balse guddiga xallinta khilaafyada siyaasadeed ayaa sheegay inuu ku qancay dokumeentiyada lala wadaagay ee ku aaddan isbeddelka hoggaamineed.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in marka la eego xeerarka u degsan xisbiyada siyaasadeed ee dalka , ay Kanini Kega iyo xulafadiisa adeegsadeen geeddisocodka habboon.