73 qof oo loo xiray dibadbaxyadii Jimcihii ka dhacay Nairobi oo la siidaayay

0
204

Waxaa la siidaayay 73 qof oo loo xiray dibadbaxyadii Jimcihii ka dhacay magaalada Nairobi.
Shakhsiyaadkan ayaa xabsiga laga siidaayay ka dib markii waaxda dacwad oogidda ee dalka ay diiday inay dacwad ku soo oogto sida uu sheegay qareenkooda Anderson Gikunda.
Sidoo kale waxaa maxkamadda Kisii la soo taagay 27 qof oo loo haystay inay Jimcihii gaysteen burbur hantiyadeed waxayna maxkamadda ku siidaysay damaanad lacageed oo min 30,000 oo shilin ah.