Golaha hay’adaha aanan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inuu hakiyo dibadbax uu qorsheynaya Arbacada soo socoto.
Guddoomiyaha golahan ,Stephen Cheboi ayaa sheegay in tani ay fursad siinaysa in la wada hadlo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay arrin laga qoomamoodo tahay in madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga iyo siyaasiyiinta taabacsan ay door bideen in mudaaharaad la sameeyo iyagoo aan xakameyn karin shakhsiyaad ka faa’iidaysanaya isku soo baxyada si ay u gaystaan falal dambiyeedyo.
Waxaa uu guddoomiyaha golaha hay’adaha aan dowliga ahayn ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo nabadda iyo midnimada .
Cheboi ayaa sheegay inay suuragal tahay in dibadbaxyadii wadanka ka dhacay 7-dii bishan ee loogu magacdaray Saba Saba ay dalka u horseedeen khasaare hantiyadeed oo dhan balaayiin shilin.
Jimcihii ayay ahayd markii qaar ka mid ah ismaamullada dalka sida Nairobi, Kisii, Migori, Kisumu iyo Mombasa ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan 2023-ka oo waxyaabaha uu xambaarsan yahay ay ka mid tahay in qiimaha canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahaa boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.
Isbeheysiga mucaaradka ayaa doonaya in dowladda ay qorshahan ka laabato maadaama uu wadanka ka jiro sicir barar horseeday culeysyo nololeed oo ay kenyaanka dareemayaan.
Waxaa dibadbaxyada lagu dilay ilaa iyo hadda 6 qof oo ay ugu dambeeyeen saddex ku geeriyooday Kisii halka in ka badan 100 qof oo la xiray lagu wado in maxkamadda la soo taago.




