Senatarka ismaamulka Makueni ,Dan Maanzo ayaa sheegay in loo baahan yahay in xabsiga loo taxaabo agaasimaha guud ee maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ,Daniel Kiptoo Bargoria.
Tani ayaa timid ka dib markii maamulka EPRA uu kordhiyay qiimaha canshuurta shidaalka in kastoo uu jiray amar maxkamadeed oo taasi lagu hor istaagay.
Maanzo ayaa xilli uu ku sugnaa xaafadda Utawala ee ismaamulka Nairobi sheegay in laamaha ammaanka laga doonaya inay gacanta ku dhigaan madaxa EPRA si loogula xisaabtamo dafiraadda amar maxkamadeed.
Waxaa horay agaasimaha guud ee EPRA dacwad ka gudbiyay senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo soo jeediyay in la xiro muddo 6 bilood ah.




