Wasiirka isgaarsiinta oo shir uga qayb galaya Geneva

0
237

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda dalka ,Eliud Owalo ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Waxaa uu hoggaaminaya wafdi matalaya Kenya oo halkaasi uga qayb galaya kulanka sanadkan ee golaha Midowga caalamiga ee isgaarsiinta ee (ITU) .
Midowgan ayaa ah waax gaar ah oo ka tirsan qaramada midoobay taasoo la aasaasay 7-dii bishii Shanaad ee sanadkii 1865 si uu isugu duba rido howlaha iyo adeegyada xiriirrada isgaarsiinta caalamka.
Sidoo kale waxaa uu ka shaqeeya horumarinta tiknolojiyada isgaarsiinta dunida iyadoo dhexdhexaad laga yahay.
Kenya ayaa ka mid ah 40-ka xubnood ee golaha ITU –da waxaana hay’adan ku mideysan ilaa 193 dowladood.
Wasiirka ayaa maanta ka qayb geli doono kulan ay albaabada u xiran yihiin oo uu la qaadanaya wasiirarda kale ee caalamka ee dhanka isgaarsiinta iyo Xoghayaha Guud ee Midowga caalamiga ee isgaarsiinta ee ITU ,Ms. Doreen Bogdan-Martin iyo sidoo kale xubnaha golaha.
Waxaa uu khudbad jeedin doonaa berri isagoo wakiil ka ah dowladda Kenya si gaar ah faa’iidada ay leedahay isku xir caalami oo casri ah iyo sida loo wada heli karo.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay inuu kulan la qaato wufuudda matalaysa waddamada kala duwan si ay uga wada hadlaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.