Dowladaha Kenya, Congo iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ee CAR ayaa ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan xoojinta nabadgalyada qaaradda gaar ahaan la dagaalanka argagixisada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in saddexda waddan ay ka go’an tahay sidii nabad iyo xasilooni buuxda loogu dabbaali lahaa qaaradda Afrika.
Waxaa uu sheegay in waddamadan ay wadaagi doonaan xogaha sirdoonka sidoo kalena ay shirarka heer caalami ah ka qaadan doonaan hal go’aan oo lagu xoojinaya nabadda Afrika.
Madaxweyne Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dalalkan ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan ka hor tagga xagjirnimada iyo mayal adeyga rabshadeysan.
Waxaa uu sheegay in dowladaha Afrika laga doonaya inay ka wada shaqeeyaan sidii xalka ku habboon loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay ka wada siman yihiin.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika Faustin-Archange Touadéra iyo dhigiisa Congo Denis Sassou N’Guesso oo ay ku wada kulmeen magaalada Oyo ee jamhuuriyadda Congo.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inay sidoo kale daneynayaan sare u qaadidda ganacsiga ka dhexeya saddexda waddan iyo fursadaha jira ee aynan weli shacabku ka faa’iidaysan.
Waxaa uu xusay in la joogo xilligii ay Afrika dhexdeeda wada ganacsan lahayd sidaasi awgeedna ay Kenya diyaar u tahay inay kaashato dowladaha Bartamaha Afrika iyo Congo si hiigsigan looga dhabeeyo.
𝐊𝐄𝐍𝐘𝐀, 𝐑𝐄𝐏𝐔𝐁𝐋𝐈𝐂 𝐎𝐅 𝐂𝐎𝐍𝐆𝐎, 𝐂𝐄𝐍𝐓𝐑𝐀𝐋 𝐀𝐅𝐑𝐈𝐂𝐀𝐍 𝐑𝐄𝐏𝐔𝐁𝐋𝐈𝐂 𝐏𝐀𝐑𝐓𝐍𝐄𝐑𝐒𝐇𝐈𝐏 𝐓𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐒𝐓 𝐒𝐄𝐂𝐔𝐑𝐈𝐓𝐘, 𝐓𝐑𝐀𝐃𝐄
Kenya, Republic of Congo and Central African Republic will join forces in the fight against terrorism and insecurity… pic.twitter.com/Unw12ttUZZ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 9, 2023




