Mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Pokot ,David Pkosing ayaa shaaciyay inuu ku biiraya dadaallada ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ku uruurinayaan saxiixyo ka dhan ah maamulka madaxweyne William Ruto.
Siyaasigan ayaa lagu soo doortay tikedhka xisbiga Kenya Union Party [KUP] wuxuuna qayb ka yahay guddiga Azimio ee u qaabilsan wada hadalladii kala dhexeyay dowladda.
Mudanaha ayaa magaalada Kapenguria ee Galbeedka Pokot ka sheegay inuu maamulka Kenya Kwanza ku mucaaradaya in aan si buuxda loo xallin amni darrada aagga Kerio Valley .




