2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Bomet

0
202

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen shil xalay laga soo tabiyay ismaamulka Bomet.
Shilka ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Mulot ee agagaarka waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Bomet iyo Narok .
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka bariga Bomet ,John Karani.
Taliyaha ayaa sheegay in wadaha baabuur taksi ah oo ka yimid Narok oo ku wajahnaa Bomet uu baabuurka xakameyn waayay taasoo sababtay inuu waddada ka baxo oo uu meel god ah ku dhaco .
Darawalka ayaa isla goobta ku dhintay halka qofka labaad uu ku geeriyooday isbitaalka guud ee Longisa ee Bomet.
Saddexda qof ee kale ee ay dhaawacyadu soo gaareen ayaa isla isbitaalkaasi lagu daaweynayaa.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaano ku sameynayaan shilka oo horseeday ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah oo qaatay saddex saacadood.
Baabuurka shilka galay ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Longisa.