DHAGEYSO:Gachagua oo amray in la xiro guddoomiye xaafadeed lagu dhaliilay isticmaalka khamriga

0
337

Madaxweyne ku xigeenka dalka ,Rigathi Gachagua ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo oo shaqada laga istaajiyo mid ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada deegaan baarlamaneedka Mathira ee ismaamulka Nyeri.
Gachagua oo galinkii dambe ee shalay la hadlayay shacabka tuulada Tumutumu ayaa sheegay in guddoomiye xaafadeedka uu isla xilligaasi khamri isticmaalayay.
In kastoo uunan magaciisa shaacin waxaa uu hoggaamiyaha labaad ee dalka su’aal geliyay sababta uu xilli dharaar ah shaqaale dowladeed ugu sugnaanaya meel baar ah .
Mr. Gachagua ayaa guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyeri ku amray inuu xilka ka qaado guuddoomiye xaafadeedka .
Waxaa uu ku celceliyay inuunan jirin sarkaal dowladeed oo loo oggolaanaya inuu shaqeeyo isagoo ay saameysay isticmaalka khamriga.
Waxaa uu ku celceliyay in saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe laga doonaya inay safka hore uga jiraan la dagaalanka isticmaalka iyo ka ganacsiga khamriga iyo maandooriyaha kale ee sharci darrada ah sidaasi awgeedna aynan dadaalkan si buuxda uga soo bixi karin haddii ay iyaga qayb ka yihiin dhibaatada lala tacaalaya.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka dalka , Rigathi Gachagua ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda dhexe sare u qaaday la dagaalanka isticmaalka balwadda gaar ahaan gobolka Bartamaha Kenya.