Ka dib safarkii uu madaxweynaha dalka William Ruto ku tagay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayay labada waddan saxiixdeen heshiisyo gaaraya 18.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad oo bayaan soo saaray.
Heshiisyada ayaa kala ah.
1.In muwaadiniinta labada dal aan lagu xirin dal ku gal.
2.Iskaashiga dhanka beeraha iyo horumarinta xoolaha.
3.Iskaashiga sare u qaadidda iskaashatooyinka.
4.Iskaashiga maareynta keymaha oo ah mid waaraya.
5.Iskaashiga dhanka culuunta farsamada iyo tababarrada la xiriira ee (TVET).
6.Labada dowladood ee Kenya iyo Congo ayaa ka wada shaqeyn doono arrimaha tacliinta sare iyo cilmi baarista.
7.Sidoo kale waxay ka wada shaqeyn doonaan tacliinta aasaasiga ah.
8.Heshiiska kale ayaa dhigaya in labada dal ay iska kaashan doonaan warfaafinta iyo howlaha saxaafadda
9.Kenya iyo DRC ayaa isku afgartay inay ka wada shaqeeyaan boostada , isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ah.
10.Iskaashiga kale ayaa ah dhanka shidaalka iyo gaaska.
11.Congo iyo Kenya waxay sidoo kale ka wada shaqeyn doonaan macdanta iyo baaritaannada dhulalka.
12. Iskaashiga dalxiiska .
13.Cayaaraha.
14.Farshaxanka.
15.Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.
16.Wada tashiyada siyaasadeed.
17.Tababarrada dibloomaasiyadeed .
18.Iskaashiga dhanka dugsiga sare ee maamulka dowladeed ee labada waddan.
President @williamsruto’s State Visit to the Republic of Congo has led to the signing of the following Memoranda of Understanding (MOUs), & agreements which will unlock the substantial trade potential between Kenya and the Republic of Congo.
1. Agreement relating to Visa… pic.twitter.com/aSCrWHugaz
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) July 8, 2023




