Ruushka oo sheegay in ciidamada Ukraine ay hal qof ku dileen Donetsk

0
234

Saraakiil taageero ka helaya dowladda Ruushka ayaa sheegay in weerar ay ciidamada Ukraine ka gaysteen magaalada Makiivka ee gobolka Donetsk lagu dilay hal qof oo rayid ah.
Waxay intaasi ku dareen in dhowr qof oo kale la dhaawacay.
Dhanka kale guddoomiyaasha gobollada Kursk iyo Belgorod ee dalka Ruushka ayaa sheegaya in saraakiisha Ukraine ay halkaasi rasaas ku fureen in kastoo aan weli la soo tabin waxyeellada ka dhalatay falkaasi.