Madaxweynaha dalka Ruushka ,Vladimir Putin ayaa sheegay in dhaqaalaha wadankaasi uu ka wanaagsan yahay sidii la filayay.
Tani ayaa timid ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Moscow ,Mikhail Mishustin uu u soo gudbiyay warbixin ah in heerka kobaca ee dhaqaalaha iyo baaxadda sicir bararka ay wanaagsan yihiin.
Putin ayaa la siiyay warbixin ah in kobaca dhaqaalaha Ruushka uu sanadkan ka sare mari karo boqolkiiba 2.
Mishustin ayaa sidoo kale madaxweynaha ku wargeliyay in sanadkan , sicir bararka uunan dhaafi doonin boqolkiiba 5.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF uu shaaciyay inuu rajeynaya in dhaqaalaha Ruushka uu sanadkan kordho boqolkiiba 0.7.




