Hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka

0
351

Waaxda qaabilsan keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, kobaca dhaqaalaha wadanka uu noqday boqolkiiba 5.3.
Tani ayaa ah hoos u dhac marka loo barbardhigo sannadkii hore oo lagu sheegay boqolkiiba 6.2.
KNBS ayaa intaasi ku dartay in heerka sicir bararka oo saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkii hore ahaa boqolkiiba 5.3 oo sanadkan gaaray isku celcelis ahaan boqolkiiba 9.13 .
Tani ayaa loo aaneeyay kororka ku yimid qiimaha cuntooyinka iyo badeecooyinka tamarta.