Ruushka oo ugu yaraan 43 qof ku dhaawacay gudaha Ukraine

0
267

Saraakiisha dalka Ukraine ayaa sheegaya in ugu yaraan 43 qof oo 12 ka mid ah ay carruur yihiin lagu dhaawacay weerar ay ciidamada Ruushka ka gaysteen magaalada yar ee Pervomaiskyi oo ku taalla Waqooyiga Bari ee gobolka Kharkiv .
Guddoomiyaha gobolkaasi, Oleh Syniehubov ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarka.
Magaalada Pervomaiskyi ayaa waxaa ku nool 28,000 oo qof waxayna ka fog tahay furimaha dagaalka.
Qofka ugu yar ee dadka dhaawacmay ayaa ah canug dhallan saddex bilood.