Agoonta ugu badan dalka oo ku nool Homa Bay

0
255

Darasaad ay sameysay waaxda qaabilsan keydinta macluumaadka iyo tirakoobka ee KNBS ayaa lagu ogaaday carruurta agoonta ah ee ugu badan wadanka ay ku nool yihiin ismaamulka Homa Bay.
Waxaa warbixinta oo la soo saaray ku cad in boqolkiiba 9 ee carruurta ay da’doodu ka hooseysa 18 sano ee dalka ay agoomo yihiin.
Waxaa ismaamulka Homa Bay soo raaca Turkana oo tiradan lagu sheegay boqolkiiba saddex.
Boqolkiiba 27 ee carruurta aan la noolayn waalidiintooda waxay ku sugan yihiin ismaamulka Vihiga halka tiradaasi ay ugu hooseyso Kiambu.
Darasaadka KNBS waxaa sidoo kale ku cad in boqolkiiba 50 ee gabdhaha u dhexeya 15 ilaa 19 sano ee Samburu ay uur qaadeen waxaa soo raacda West Pokot, Marsabit, Narok iyo Meru.
Gabdhaha xilli hore uurka qaada waxaa ugu hooseeya ismaamullada Nyeri, Nyandarua, Kirinyaga, Murang’a, Vihiga iyo Nairobi.
Dhanka kale boqolkiiba 43 ee kenyaanka waxay aaminsan yihiin in ninka ragga ah uu ku saxan yahay oo uu qiil u leeyahay inuu xaakiisa garaaco haddii ay tusaale cuntada ka gubato ama ay la muranto.
Haweenka la garaaco ayaa ku badan tuulooyinka waxayna KNBS ku sheegtay boqolkiiba 51 halka dhacdooyinka noocani ah ee magaalooyinka waawayn ay yihiin boqolkiiba 30.