DHAGEYSO:Howlwadeennada gaadiidka dadweynaha oo kordhinaya qiimaha nooliga

0
259

Ka dib markii Jimcihii uu maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo bartoolka dalka ee EPRA uu kordhiyay qiimaha shidaalka ayay milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuda sheegayaan inay iyagana ku dari doonaan qiimaha nooliga ee lagu raaco baabuurta.
Guddoomiyaha ururka mataatuuleyda dalka Jamal Ibrahim ayaa hoosta ka xarriiqay in tusaale meeshii ay rakaabka bixin jireen 70 shilin in laga dhigi doono 100 shilin.

In kastoo ay maxkamadda hor istaagtay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan oo ay qayb ka ahayd in canshuurta laga qaado shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 laga dhigay boqolkiiba 16 haddana maamulka EPRA ayaa taasi ku tallaaba qaaday waxayna gaadiidleyda sheegayaan inaynan u furnayn waddo kale oo aan ahayn inay kordhiyaan qiimaha laga qaado rakaabka.