Go’aan ay maxkamadda ka qaadatay xilalka CAS oo si wayn looga falceliyay

0
235

Waxaa isa soo taraysa falcelinta shacabka iyo siyaasiyiinta ee ku aaddan go’aankii galabta ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Maxkamadda ayaa go’aamisay inuu madaxweynaha dalka William Ruto 22-kii bishii Saddexaad ee sanadkan si sharci darro ah u soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee CAS oo gaaraya 50.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa hoosta ka xarriiqay in horay dadweynaha looga qayb geliyay oo ay ka ra’yi dhiibteen soo magacaabidda 23 ah xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha balse go’aankii uu madaxweyne Ruto tiradan ugu kordhiyay 27 dheeraad ah uunan waafaqsanayn dastuurka wadanka.
Xaakinnada ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay caddeyn u tahay in guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisa.
Garsoorayaasha kala ah Hedwig Ong’undi, Kanyi Kimondo iyo Aleem Visram ayaa xusay inay u badan tahay in 50-kan mas’uul iyo xoghayeyaasha joogtada ah ay qabanayaan shaqooyin isku mid ah.
23-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii xoghayayaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe loo dhaariyay xilalkooda ka dib markii baarlamaanka uu diiday inuu turxaan bixiyo isagoo cuskanaya inuunan taasi u lahayn awood dastuuri ah.
Hasa ahaate maxkamadda sare ee dalka ayaa 24-kii Maarso xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ka hor istaagtay inay xafiisyada la wareegaan oo ay shaqooyinkooda billaabaan ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga oo go’aan laga soo saaraya dacwad ay gudbiyeen ururka qareennada dalka ee
(LSK) iyo machadka arrimaha sharciga ee Katiba Institute oo ku dooday in dastuurka dalka uu oggolyahay keliya in la soo magacaabo 23 mas’uul oo ah wasiirro ku xigeen.
Garsoore Hedwig Ong’undi ayaa sidoo kale xilligaasi xoghayeyaasha ka hor istaagtay inay qaataan mushaar, gunnooyin ama macaash kale.
Sida laga soo xigtay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC , waajibaadka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha waxaa ka mid ah inay ka jawaabaan arrimaha iyo su’aallaha wasaaradda khuseeya, inay isku xiraan wasaaradda iyo baarlamaanka ama aqalka sare iyo sidoo kale dowlad deegaannada, isku dubaridka wasaaradaha dhexdooda , inay wasiirrada ku matalaan shirarka iyo qabashada shaqooyinka kale ee uu u igmado wasiirka wasaaradaasi hoggaamiya.
Mas’uuliyiinta ka soo jeedo gobolka Waqooyi Bari ee xilalkan loo magacaabay waxaa ka mid ahaa iskuduwihii hore ee amniga gobolka Maxamuud Cali Saalex iyo wakiilkii hore ee haweenka ee Garissa Canab Maxamad Guure.