DHAGEYSO:Xildhibaanka Koonfurta Gatundu oo gudbiyay hindise ku aaddan xayeysiimaha dowladda

0
342

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu, Gabriel Kagombe ayaa sheegay inuu soo saaray hindise sharciyeed uu ku doonaya in soo bandhigidda xayeysiimaha dowladda aan lagu koobin warbaahinta caadiga ah sida wargeysyada maalinlaha ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hindisaha oo Arbacada loo bandhigi doono baarlamaanka uu ku doonaya in xita dhallinyarada waxyaabaha kala duwan ku soo bandhigo baraha dhijitaalka ah ay ka faa’iidaystaan xayeysiimaha dowladda dhexe.