DHAGEYSO:Madaxweynaha oo meesha ka saaray amarkii lagu mamnuucay in dhirta la jaro

0
218

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in meesha laga saaray xayiraad shaqeynaysay muddo 6 sano ah oo lagu mamnuucay in dhirta la jaro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankaasi uu ahaa mid khaldan balse hadda la nidaamin doono.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha dowladda uu yahay in toban sano gudahooda la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.
Waxaa uu ku celceliyay in aynan macquul ahayn in gebi ahaanba la mamnuuco arrin ay dad badan ka ganacsadaan gaar ahaan kuwa soo saaro alwaaxyada laga sameeyo sariiraha , miisaska iyo kuraasta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aynan suuragal ahayn in dalka dibadiisa laga keeno waxyaabo lagu sameyn karo gudaha wadanka.