Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega, Fernandes Barasa ayaa wasaaradda maaliyadda ee dowladda dhexe ku bogaadiyay inay ismaamullada ku wareejisay lacagihii loogu talagalay bishii 6-aad ee sanadkan oo gaarayay 29.5 bilyan oo shilin.
Barasa ayaa hoosta ka xarriiqay in golaha fulinta ee dowladda sare uu muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda nidaamka dowlad wadaajinta.
Barasaabka Kakamega oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ayaa xusay inay sanad maaliyadeedkan 2023/2024-ka rajeynayaan in dowlad deegaannada aan lagala daahin miisaaniyadooda si uunan dib u dhac ugu imaan fulinta mashaariicda horumarineed.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in uunan jiri ismaamul hal shilin ku leh maamulkiisa.




