Xafiiska maareeya miisaaniyadda oo warbixin ka soo saaray dakhliga ismaamullada

0
288

Warbixin uu soo saaray xafiiska dowladda dhexe u qaabilsan maareynta miisaaniyadda ayaa lagu sheegay in ismaamullada Mombasa, Narok, Kiambu iyo Machakos ay dowlad deegaannada ugu horreeyaan dhanka dakhli uruurinta.
Madaxa xafiiskan ,Margaret Nyakang’o ayaa hoosta ka xarriiqday in afarta ismaamul uu soo galay dhaqaale ka badan intii ay horay qorsheeyen marka loo barbardhigo sanadkii hore.
Waxay intaasi ku dartay in dowlad deegaannadan ay uruuriyeen dakhli labo jibbaar ah.
Sida ku cad warbixinta, ismaamullada Kiambu, Narok iyo Mombasa ayaa muddo sagaal bilood gudaheeda ah helay min ugu yaraan 2 bilyan oo shilin.
Sidoo kale dowlad deegaanada lagu amaanay dhanka dakhliga waxaa ka mid ah Kitui, Vihiga iyo Baringo.
Hasa ahaate Ms. Nyakang’o ayaa sheegtay in ismaamulka Nyamira uu helay dakhli dhan boqolkiiba 23 keliya.
Ismaamullada ku hooseeya dhanka dakhliga waxaa ka mid ah Nakuru, Kajiado iyo Makueni.