Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Nairobi oo ka tacsiyadeysay shilkii Londiani

0
257

Safaaradda ay boqortooyada Ingiriiska ku leedahay dalkani Kenya ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehelladda dadkii ku nafwaayay shilkii galinkii dambe ee Jimcada ka dhacay isgoyska Londiani ee ismaamulka Kericho.
Safaaradda UK ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in shilkaasi sababay khasaaraha isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu walaac ku beeray.
Waxaa shilkaasi ku nafwaayay ugu yaraan 52 qof.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Cabdi Xasan ayaa dhanka kale sheegay in shilkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof oo dheeraad ah.