Senatarka ismaamulka Narok Ledama Olekina ayaa qaab qoraal ah uga falceliyay soo jeedin ka timid guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC oo lagu doonaya in shaqaalaha dowladda loo kordhiyo mushaarka ay qaataan.
Waxaa uu barta Twitter-ka ku sheegay in uunan u baahneyn in isaga mushaarka loo kordhiyo.
SRC ayaa dib u eegista ay sameynaysa u aaneysay in shaqaalaha dowladda laga fududeynaya culeyska nololeed ee jira .
Hasa ahaate Ledama OleKina ayaa xusay in aynan jirin cid xaaladda adag ee nololeed ka qafiifinaysa shacabka uu matalo.
Waxaa uu dowladda ku boorriyay inay yareyso canshuurta laga qaado dadweynaha isagoo dhanka kale guddiga SRC kula taliyay inuu joojiyo mushaar kordhinta uu qorsheynaya.
I don’t need a salary increment to cushion me on high cost of living while the people I represent no one is cushioning them … please lower the taxes! @srckenya stop it! pic.twitter.com/F3qCYzZOIf
— Sen. Ledama Olekina (@ledamalekina) June 30, 2023




